Muqdisho, November 21, 2016: Guddoomiyihii hore ee degmada Waabari Xaawo Maxamuud Cali (Xaawo Kiin),ayaa ku micneysay sababta xilka degmada looga qaaday tartanka kursiga xildhibaanimo ay la gashay Xirsi Aadan Rooble oo ah Wasiirka ku-xigeenka Gaadiidka Dowladda Somalia.
Waxa la sheegay Xaawo Kiin in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu ku war geliyay ineysan tartan la gelin Musharax Xirsi Aadan Rooble oo ugu danbeyn Kursiga xildhibaanimo ee aqalka hoose uu asaga ku guuleystay.
Xaawo-kin ayaa ka mid ah musharaxiintii u taagnaa doorashada xubnaha aqalka hoose, waxaana looga guuleystay kursiga beesheeda oo uu ka helay Xirsi Aadan Rooble kaasoo ahaa mudsharaxii la tartamayey.
Guddoomiyihii hore ee degmada Waabari ayaa sheegtay iney diyaar u tahay in si nabad galyo ah xilka ugu wareejiso guddoomiyaha cusub Xuseen Axmed Culusow.
Xaawo Kiin ayaa ahayd Haweeneyda kaliya ee heysay mid ka mid ah Guddoomiyenimada degmooyinka Gobolka Banaadir.
——————————
Qaranimo Online | Muqdisho
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________