Muqdisho | January 27, 2017 – Warbaahinta ku hadasha Afka maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ayaa shaaciyay magaca ninkii hoggaaminayey weerarkii Hotel Dayax ee Arbacadii lagu qaaday magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu dilay ku dhowaad 30 qof, islamarkaana lagu dhaawacay 51 kale.
Ururka Al-Shabaab ayaa ninkan waxay ay ku sheegeen Cabdiraxmaan Fatxi Cabdullaahi, waxayna shaaca ka qaadeen inuu horey uga mid ahaan jiray ciidamada maamulka Jubaland, balse uu markii dambe kusoo biiray maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Sida Al-Shabaab ay sheegeen Cabdiraxmaan ayaa ka soo baxsaday magaalada Kismaayo kadib markii uu dilay taliyihi hore ee nabad sugida Jubaland oo uu ilaalo u ahaa.
Ninkan ayaa la sheegay inuu wade ka ahaa gaariga weyn ee ku qarxay iridka hore ee hotelka Dayax, waxaana uu hogaaminayey hawlgalka oo ay ku naafwaayeen dad gaaraya 30 qof, 51 kalena ay ku dhaawacmneen.
Qaraxii Arbacada ayaa ahaa mid ka mid ah qaraxyadi ugu weynaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaana la rumeysan yahay in lagu fuliyey dhowr tan oo miinooyin ah, waxaana uu burburiyey dhismayaal badan oo ku dhow hotelka.
Si kastaba ha’ahaatee, dadkii ku dhintay weerarka ayaa badankood ahaa dad shacab ah oo ku sugnaa meel aan sidaasi uga fogeen Hotel Dayax.
.
.
.
_______________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________