Muqdisho | QOL | May 16, 2017 –Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu waddaa in uu ka qeyb galo Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta iyo sidoo kale dowladda Mareykanka oo lagu qabanaayo Dalka Sucuudiga.
Boqorka Sucuudiga ayaa Madaxweyne Farmaajo u soo diray Warqad Casuumaad ah oo ku aadan in uu shirkaasi ka qeyb galo.
Boqorka Sucuudiga ayaa sheegay in ay muhiim tahay in uu kasoo qeyb galo Madaxweynaha Soomaaliya , maadaama Soomaaliya xilligaan ay u baahan tahay taageero.
Wararka ay qorayaan Warbaahinta dalka Sacuudiga waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo uu arintaasi aqbalay ,islamarkaana dhawaan uu tagi doono Magaalada Riyaad.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay Safarkiisii ugu horreeyay ku tagay Sacuudiga.
W/Q:-BASHIIR BARRE ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________