Muqdisho | QOL | June 03, 2017 — Wararka naga soo gaaraya degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegayaan in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay habeenkii xalay gurigiisa kala baxeen nabadoon caan ka ah degmadaadna aad looga yaqaan
Nabadoonka oo lagu magacaabo Siidow Axmed Shinbirow, ayaa la sheegay in ciidankaan ay la aadeen dhanka garoonka Ballidoogle ee Shabellaha Hoose.
Lama oga illaa hadda sababta ka dambeysay in ciidanka dowladda ay wataan nabadoonkaan
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ehlada Nabadoonka ay wadaan dedaal ay kula xiriiriyaan maamulka gobolka Shabellaha Hoose iyo saraakiisha ciidanka ee gobolkaasi si loo ogaado sababta Nabadoonka loo kaxeystay, ayada oo an laga haynin wax faah-faahin ah.
Wixii kusoo kordha halka kala soco.
WQ/: Ali Omar Ghedi
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________