Garoowe | QOL | 17 Julay 2017- Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Garowe ee xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.
Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka ee Maamulka Puntland ayaa waxa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Garowe.
Ciidanka ayaa guri guri u baaraya, waxaana shacabka ay weydiinayaan aqoonsi iyo cida taqaana, sida Ay usheegeen qaranimo .com sarkiisha ciidamada amaanka ee maamulka putland
howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee Ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla Garowe.Dhanka kale
Saraakiisha Ciidamada Amniga Magaalada ayaa sheegaya in ujeedka Howlgaladan ay yihiin sidii ay u sugi lahaayeen Amaanka guud ee Magaaladaasi.
Gudoomiyaha gobolka Nugaal ayaa horay u sheegay in ciidamada Ammaanka ay sii waddayaan howlgallada inta loo soo qabqabanaayo kuwa lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin Shabaab.
.
Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Garoowe
___________________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________