Muqdisho | QOL | June 01, 2018 – Waxaa magaalada Mombasa ee Dalka Kenya lagu soo gebagebeeyey tababar ay wada jir u soo qaban qaabiyeen Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka, urur goboleedka IGAD iyo bankiga aduunka kaasoo lagu baranayo qiimeynta iyo ka soo kabashada musiibooyinka.
Tababarkan oo soconayey mudo 5 maalin ah ayaa muhiimadiisu ahayd sidii loo hormarin lahaa khibrada iyo aqoonta loo leeyahay sida loo qiimeyo marka ay dhacaan musiibooyin iyo sida looga soo kabto.
Anagoo og in ay soomaaliya ka dhacaan musiibooyin dabiici ah sida Abaaraha, Dabeylo iyo fatahaada webiyada.
Dadkii ka qeyb galay tababarkan ayaa la rajeynayaa in ay kororsadeen aqoon iyo qibrad ay la wadaagi doonaan dadka jooga magaalooyinki iyo hay’adihii ay matalayeen.
Waxaa tababarkan ka qeyb galay 40 qof oo kala socda wasaaradaha kala duwan ee Federaalka, maamul goboleedyada iyo hay’adaha maxaliga ah.
Waxaa sdioo kale goob joog ah wafdi ka socda Bankiga aduunka, Qaramada midoobe, Midowga Yuurub iyo midowga Africa.
Inta uu socday shirkan ayaa waxaa diirada lagu saaray ka dooditaanka siyaasada ka soo kabashada musiibooyinka, Qaabka maalgelinta ka soo kabashada, Taaba-gelinta mashruucyada iyo in la horumariyo istiraatiijiyada ka soo kabashada musiibooyinka.
W/Q:-Bashiir Barre ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________