Muqdisho | QOL | January 20, 2019 –Dowladda Britain ayaa la sheegay inay ka codsatay Maraykanka inuu ka laabto qorshaha lagu dhimayo Tirada Ciiddanka ka jooga Somalia, kadib, weerarkii ay Alshabaab isbuucii hore ka geysteen Hotelka Dusit D2 ee magaalladad Nairobi.
Wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa magaalladda London ayaa qoray inay Saraakiil Difaaca oo Reer Galbeed u sheegeen inay Britain kala xiriirtay Maraykanka, kuna qancisay inay ka laabtaan qorshahaasi
Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon waxay bishii June ee sannadkii hore sheegeen inay kala-bar dhimi doono tirada Ciiddanka Khaaska ee Mraaykanka ee Hawlgalladda ee ku sugan Qaaradda Afrika 3-da sanno ee soo socta.
2,000 oo Askar Maraykan ayaa Maraykanak ka jooga Qaaradda Afrika, kuwaasi oo 500 ka mid ah ay Saldhigyo ku leeyihiin gudaha Somalia.
Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Difaaca ee dalka Britain waxa uu ka gaabsaday haddii ay Codsi rasmi ah u direen Maraykanka, ama ay kala hadleen sarrimo la xiriira Hawlgalaldda Ciiddamka Gaarka ee Maraykanka ka fuliyaan Somalia.
Wargeyska The Telegraph waxa kale oo u uqoray inay Dowladda Britain marmarka qaarkooda qaadaan inay hoggaamiyaan sidii looga hortegi lahaa khatarta ka jirta Somalia.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________