Muqdisho | QOL | October 07, -2019 —Magalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay waxaa goordhow gaaray wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo uu qeyb ka yahay dhigiisa dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud, iyada soo siweyn loo soo dhaweeyey.
Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magalada Baydhabo ayaa waxaa wafdiga kusoo dhaweeyey ,Nadaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed,Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Maamulkaas iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Baydhabo.
Wafdiga ayaa waxaa ay Baydhabo uga qeyb geli doonaan furitaanka kal-fadhiga 5-aad ee Golaha Wakiilada dowlad goboleedka Koonfur galbeed,iyagoo sidoo kalena kulamo la qaadan doono Madaxda ugu sareysa maamulkaas iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baydhabo.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________