Waxaa magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay ka dhacay kulamo kala duwan oo uu Agaasimaha Guud ee HSJ Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) la yeelanayay Madaxda maamul Goboleedyada, taasi oo ahayd balaarin iyo Tayaynta Howlaha HSJ Xafiisyada ay ku leedahay maamuladaasi.
Agaasimaha Guud ee HSJ Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa waxa uu Madaxweyne Denni iyo Madaxweyne Laftagareen oo ay la socdeen Wakiilada laanta Socdaalka ee maamuladaas ka wada Hadleen sidii loo balaarin lahaa howlaha shaqo ee Hay’ada HSJ ka wadaan Magaalooyinka Garowe iyo Baydhabo
kulamadaan oo ahaa kuwa Xiriir ah, ayaa Waxaa Agaasimaha Guud ee HSJ Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo K/xigeenadiisa ay muujiyeen sida ay heeganka ugu yihiin shaqada Qaranka u igmaday.
Sidoo kale Kulamadaan oo ahaa kuwa is xog wareysi ahaa ayaa ugu dambeyn ku soo dhamaaday is afgarad iyo guul.
Dhinaca kale Agaasimaha Guud ee HSJ Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa Waxa uu Mudooyinkii la soo dhaafay waday, balaarin Xarumaha Hay’adaasi iyo tayaynta Shaqaalaha Hay’ada oo ka fiican Sidii ay ahaayeen sanado ka hor, kuwaas oo Tababaro u aada Dalka Dibadiisa, Kuna Hela Dalka Gudihiisa Siminaaro, Aqoon kororsi iyo tayo aad u wanaagsan.
Abdihakim Elmi Hassan
Nairobi Kenya
+254-711830393
Email-Cabdixakiin441@hotmail.com
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________