Muqdisho | QOL | November18, 2020 –Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa shaaciyay in uusan wax wada-hadal ah la galeyn maleeshiyaadka Ururka TPLF, xilli uu xoogeystay dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Federaalka Itoobiya & Ciidamada TPLF.
War Murtiyeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Dr Abiye Axmed ayaa lagu sheegay inaan wax gor gortan ah laga geli doonin Arrinta Gobolka Tigreega oo ku yaalla Waqooyiga dalka Itoobiya.
“Mar kasta sharciga ayaa sareen doona Sharcigana waa lagu soo dhaweynayaa Midnimada,Hormarka iyo Wadajirka Itoobiya cida kala qeybineysa talaabo ayaan ka qaadeynaaaAyaa lagu yiri” War-Saxaafadeedka.
Hadalkan kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli dagaalo xoogan ay ka socdaan Gobolka Tigreega, isla markaana Ciidamada TPLF ay jareen Afar Buundo muhiim u ahaa gelitaanka Caasimadda Gobolka Tigreega ee Magaalada Maqale.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________