2415 Views

Shacabaka Reer Muqdisho Oo Doortay Gudoomiyaha Gobalka Banadir

Shacabaka Reer Muqdisho Oo Doortay Gudoomiyaha Gobalka Banadir
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 21, 2018 –Doorasho caawa oo Axad ah ka dhacday xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa lagu doortay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed.

Xubnaha Golaha Degaanka degmooyinka iyo Guddoomiyeyasha degmooyinka ayaa waxa ay qaab gacan taag ah ugu codeeyeen in Thaabit labada sano ee soo socoto uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Xubnaha codeeyay ayaa tiradooda lagu sheegay Todobaatan qof, waxaana Guddoomiye ku xigeen loo doortay C/laahi Erag oo markii horeba ahaa Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada.

Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi ayaa Doorashada caawa uu sameeyay waxaa la sheegay inuu kaga gaashaamanayo in xilka qaadis lagu sameeyo, kadib markii maalmahan ay hadal heyntaas taagneyd.

Arrintan ayaa dadka falanqeeya siyaasada waxa ay ku sheegeen in ay sii kicineyso xiisada u dhaxeysa Madaxtooyada iyo Gobolka Banaadir.

Maalmahan waxaa baraha bulshada aad loogu hadal hayaa in xiisad siyaasadeed ay ka dhaxeyso Ra’iisul Wasaaraha iyo Duqa Muqdisho, taasi oo la sheegay in ay ka dhalatay arrinta Maqaamka caasimadda.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment