Waxaa degmada Doolow ee Gobolka Gedo Maanta gaaray sarakiil sare khabiiro iyo macalimiin ka socotay Taliska Howlada Mareykanka ee Afrika oo loo yaqaano (AFRICOM).
Garoonka diyaaradaha degmada Doolow ayaa waxaa saraakiisha ku soo dhaweyey, Taliyayaasha ugu sareeyo Ciidamada dowladda Soomaaliya ee Gobolka Gedo iyo mas’uuliyiin kale.
Intaasi kadib Saraakiisha ayaa waxaa ay kulan la qaateen Saraakiisha Ciidamada dowladda & kuwa AMISOM, kaas oo looga hadlay sidii ciidamada SNA, Amisom, Taliska Africom Somalia, ay isaga kaashan lahayeen howlgal ka dhan ah A-Shabaab oo dhawaan ka bilaaban doono guud ahaan Gobolka Gedo.
Howlgalkaas ayaa waxaa la sheegay in uu noqon doono mid la isugu furayo Wadooyinka qaar ka mid ah magalooyinka Gobolka iyo goobaha yar oo markaasi ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________