Muqdisho, July 9, 2016: War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobe ee magaalada New York, ayaa sheegaya in deeq lacag ah la soo gaarsiiyay dowladda Soomaaliya.
Lacagtaan oo lagu qiyaasay 2 million oo dollar-ka Mareykanka ah ayaa Qaramada Midoobe waxa ay sheegtay in loogu talagay in lagu horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha dowladda Soomaaliya.
Lacagtaan an kor ku soo xusnay ayaa la sheegay in qeybta Hore lagu maalgelin doono gobolada Banaadir iyo Jubbada Hoose, iyo sidoo kale gobolka kale oo aysan shaacin magaciisa.
Sanduuqa horumarinta iyo nabada ee Qaramada Midoobe oo lacagtaan bixiyay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay hada u baahantahay in laga taageero dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
Qaramada Midoobe ayaa sidoo kale sheegtay in lacagtaan ay si toos ah ugu soo dhacayso bankiga dhexe ee dowladda Soomaaliya si loo ilaaliyo halka ay lacagtaa ay mareeyso.
————————————
Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________