Muqdisho | QOL | September 4, 2016 – Wadatashi Dadweyne ee la xiriira Istraatejiyada Qaranka ee Ka Hortagga iyo La Dagaalanka Fikirka Xagjirka ah ee Rabshadaha wata (CVE)
Hon Mustafa Duhulow, iyo Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), oo labadaba horey u soo ahaa Wasiirada Warfaafinta ayaa waday barnaamij ballaaran oo lagu diyaarinayey Istraatejiyada Qaranka ee Ka Hortagga iyo La Dagaalanka Fikirka Xagjirka ah ee Rabshadaha watt (CVE) oo lagu soo diyaariyey si wadatshi baahsan ah. Sidaas daraadeed, waxey si xushmad leh uga codsanayaan shacabka Soomaaliyeed, kuwa dalka gudihiisa ku sugar iyo Qurbo-joogta inay tallooyinkooda, fikirkooda iyo waxii ay rabaan inaan ku daraan Istraatejiyada ay soo gudbiyaan ka hor waqtiga kama danbeysta ah ee 9ka September 2016.
Wadatashigan Dadweyne waa fursad Qaali ah oo shacabka siineysa inay tallooyinkooda ka dhiibtaan arrimaha muhiimka u ah bulshada sida CVE. Linkigan hoose ayaad ka hell kartaan Istraatejiyada oo dhameystiran si aad fikirkaaga uga dhiibato. Waana Istraatejiyad Heer Qaran tii ugu horreysey ee Soomaaliya oo shacabka si weyn looga talo geliyo.
SII AKHRI – READ MORE!
http://www.radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2016/08/CVE-strategy-26-August-Somali.pdf
.
.
.
________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________