Cadaado | December 12, 2016 – Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee Galmudug, ayaa si rasmi ah xalay loo soo gaba gabeeyay, iyadoo magaalada Cadaado lagu doortay Xildhibaano cusub.
Xildhibaanada la doortay ayaa ah kuwa cusub oo Aqalka hoose ku biiraya, waxaana ay ka soo galayaan Dowladda dhexe dhanka Deeganada Maamuka Galmudug.
36 Xildhibaan oo Aqalka hoose ah iyo 8 Kursi oo ah Aqalka sare ayaa lagu doortay Magaalada Cadaado si nabadgelyo ah, balse ay jiraan Musuq maasuq xoogan.
Doorashadii Galmudug ka dhacday ee Aqalka hoose, ayaa dad badan ay aad uga cabanayeen, maadaama Dowladda Somaliya faragelin toos ah ay ku haysay.
Xubno ka tirsan Dam jadiid oo si toos ah uga tagay Madaxtooyada Somaliya ayaa faragalin qaawan ku haayay Doorashadii Cadaado ku soo dhamaatay.
Hadaba Halkaan ka Akhriso Xildhibaanada lagu doortay Cadaado Magacyadooda oo dhameystiran.
- Saciid Nuur Giriish
- Mahad Salaad
- Qaasim Maxamed Jamac .
- Duniyo Maxamed Cali
- Cabdi Shire Jaamac
- Xuseen Qaasim Yuusuf
- Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow.
- Bootaan Ciise Caalin
- Xasan Macalin Maxamuud
- Maxamed Cabdulle Faarax Geesey
- Xirsi Aadan Rooble
- Saadaq Abdikarim Xaaji Ibrahim
- Abdulahi Ali Axmed
- Cabdiqadir Gaafow Maxamud
- Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa.
- Naciimo Maxamed Gacal
- Maryan Cariif Qaasim
- Yusuf Xeyle Jimcaale
- Cabdiweli Maxamed Qanyare
- Cabdikarim Khalif Cabdi Dhalac
- Warsame Maxamed Xasan(Warsame Joodax)
- Cabdi Caziz Ilmi Cali
- Ikran Aden Absuge
- Axmed Macalin Fiqi
- Ubax Tahlil Warsame
- Maryan Maxamed Xuseen
- Maryan Xaaji Cabdi Geeddi
- Zakariye Xasan Cali
- Maxamed Axmed Abtidoon
- Saabir Nuur Shuriye
- Cabdixakim Macalin Xuseen
- Cali Axmed Sharif
- Nadifo Faarax Jaamac
- Abdiashakur Ali Mire
- Faarah Xassan
- Sahra Cumar Maalin
Dhinaca kale, Galmudug waxaa horay loogu doortay ilaa 8 Xildhibaan oo gobolka u matali doona aqalka sare ee federaalka ah.
Liiska Galmudug Ee Aqalka Sare:
- Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari)
- Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid
- Axmed Abdi Dhagdheer
- Yusuf Geelle Ugaas
- Zamzam Daahir Maxmud,
- Cabdiwaaxid Qoonjeex
- Jawaahir Axmed Cilmi
- Abubakar Axmed Xaashi
.
.
.
_________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________