Muqdisho | QOL | June 07, 2017 —Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo goobjoog ka haa saaka 07 June 2017 munaasibad lagu dhaarinayey qaar ka mida Wasiiradda cusub ee uu dhowaan magcaabay, munaasibada dhaarinta ayaa ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Garoowe.
Wasiiradda loo dhaariyey xilalka loo igmaday ayaa kala ah Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Cabdiraxmaan Barkhad Warsame, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Cabdifataax Xasan Xuseen (Waloore), Wasiir ku xigeenka Wasaarada Hawlaha Guud Cabdiweli Maxamed Yuusuf iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.
Munaasibada dhaarinta Wasiiradda ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Yuusuf Xaaji Nuur iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Dawladda Puntland.
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kadib markii wasiiradda loo dhaariyey xilalkaasi cusub waxa uu kula dardaarmay inay ay shaqadooda si daacad ah u gutaan kana fogaadaan wax walba oo ku keeni kara in gaabis ku yimaado hawlaha culus ee loo igmaday.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Wasiirada cusub inay si daacad ah ugu shaqeeeyaan shacabkooda, isla markaana ay markasta ka fekeraan sidii ay u horumarin lahaayeen bulshadooda iyo shaqooyinka baaxadale ee loo igmaday, waxaana uu ku adkeeyey inay had iyo jeer noqdaan kuwo metela shacabkooda, kana shaqeeya siyaasada dawladda
W/Q:-BASHIIR BARRE ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________