Muqdisho | QOL | June 15, 2017—Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Qarax Miino lagula eegtay Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Wararka ayaa sheegaya in Kolonyada oo ka soo ambabaxay deegaanka Xawaadleey kuna sii jeeday degmada Balcad lagu weeraray deegaanka Gololeey.
Qaraxaasi Miino ayaa waxaa xigay Dagaal fool ka fool ah oo Ciidamada dowladda Federaalka ka tirsan iyo Al Shabaab ku dhexmaray meesha Qaraxu ka dhacay.
Deegaanka Gololeey ee weerarkaasi uu ka dhacay ayaa 7 Km u jira degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
W/Q:- BASHIIR BARRE ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________