Muqdiaho | QOL | October 05, 2017 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qado sharaf u sameeyay xubnaha hordhaca u ah madaxda ka qayb galkaysa shirka Dowlad Goboleedyada ee dhawaan ka furmaya Kismaayo.
Masuuliyiintan uu Madaxweynahu maanta qado sharafta u sameeyay ayaa ka kooban Wasiiro iyo la taliyayaal kasocday Dowlad Goboleedyada iyo Xildhibaan Federaal ah waxaa kale oo goob joog ka ahaa xubnaha dhinaca farsamada shirka u qaabilsan Jubbaland oo uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan.
Xubnahan oo dhinaca farsamada u qaabilsan shirka ayuu Madaxweynahu ku booriyay in shaqadooda ay dardar galiyaan kahor inta aanu shirku furmin si hawsha la qabanayaa ay u noqoto mid miro dhal ah
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
___________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________