Muqdisho | QOL | 12, February 2018 —Maamulka Garoonka Diyaaradaha Maagalada London ee Dalka Ingiriiska ayaa sheegay in shaqada Garoonka la joojiyay kaddib markii qeyb ka mid ah Garoonkaas lagu arkay mid ka mid ah Bambaanooyinkii dagaalkii 2aad ee Dunida kaas oo aan wali qarxin.
Ka hor inta aysan shaqada gelin shaqaalaha Garoonka Axaddii shalay ayaa kooxda nadaafadda iyo dejinta qorshe howleedka maalinkaas waxaa ay heleen Bamb weyn oo yaalla George V Dock,waxaana ay wargeliyeen saraakiisha amaanka.
Maamulka Garoonka London City ayaa sheegay in degaan dhan 214M laga mamnuucay in ay dadka u dhawaadayaan iyada oo guud ahaan shaqada Garoonka la joojiy.
Mamaulka ayaa sheegay in shaqaalaha iyo sharikadaha diyaaradaha ee ka baxa Garoonkaas dib laga wareglinayo marka lagu guuleysto in Bamkaas meesha laga saaro.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________