4914 Views

Baarlamaanka oo galay akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka shaqaalaha ajnabiga ah

Baarlamaanka oo galay akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka shaqaalaha ajnabiga ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Agoosto 24, 2015 – Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Shaqaalaha Ajnabiga ah waxaa baarlamaanka kusoo celiyey Guddiga Adeegga bulshada ee Baarlamaanka waxaana guddoomiyaha guddigaasi Dr Cusmaan Maxamed Maxamuud Dufle oo furitaankii kulanka ka hadlay uu tilmaamay in guddigooda uu waqti badan geliyey soo turxaan bixinta sharcigan ayadoo si gaar ah looga taxadirayo shaqooyin ay qaban karaan dadka Soomaaliyeed in Ajnabi loo dhiibo.

Xildhibaan Maxamed Axmed Taaw oo ka mid ah xubnaha guddiga Adeegga Bulshada ee Baarlamaanka oo xildhibaannada u akhriyey sharcigan ayaa tilmaamay inaanay sharcigan saameyn ku yeelan doonin diblumaasiyiinta iyo wakiillada dalalka caalamka u fadhiya magaalada Muqdisho ayadoo dhinaca kalena Hindise Sharciyeedkan lagu xusay ganaaxa ay muteysan karaan shaqaalaha ajnabiga ah ee dalka ka shaqa bilaaba ayaga oo aan heysanin ruqsad shaqo.

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo shirka guddoominayey ayaa gebagebadii tilmaamay in sida uu qabo xeer Hoosaadka Baarlamaanka ay xildhibaannadu soo akhristaan Hindise Sharciyeedkan islamarkaana la gudageli doono doodiisa maalinnimada arbacada ah ee soo socota.

Dhinaca kale Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa kulankii maanta loogu qeybiyey warbixinta Guddiga Maalliyadda ee Dakhliga Dowladda iyo Hindise Sharciyeedka Xeerka Saxaafadda Qaranka kaasi oo guddiga Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Baarlamaanka ay si aad ah u soo turxaan bixiyeen.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment