984 Views

Maxamed Cabdi Waare oo ka digay in ‘la dilo’ Musharixiinta iyo Ergada Kursiga HOP-058

Maxamed Cabdi Waare oo ka digay in ‘la dilo’ Musharixiinta iyo Ergada Kursiga HOP-058
____________________________________________________________________________


Axad: March 27, 2022

Madaxweynahii hore ee Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka digay in la dilo Musharixiinta, Ergada kursiga tirsigiisu yahay HOP-58 oo deegaan Doorashadiisu tahay Beledwayne.

“Waxaan ka walaacsanahay xaaladda amniga ee doorashada kusiga Hop058. Waxaan ka codsaneynaa musharixiinta iyo ergada in ay aad uga taxadaraan badqabkooda shaqsiga ah, maamulka Hirshabellena uu sugo amniga tartamayaasha iyo guud ahaan shacabka” ayuu ku yiri Qoraal uu ku daabacay Boggiisa Twitterka.

Hadalka Waare ayaana ku soo aadaya xilli Guddiga Doorashada Maamulka Hirshabeelle ay dib u dhigeen Kursiga HOP-068, sabab aan la shaacin.

Kursigaan ayaana tartan adag ka taagan yahay, iyada oo ay u sharraxan yihiin Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, Cali Cosoble iyo Agaasimihii hore ee NISA, Cabdullaahi Sanbaloolshe.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post