5142 Views

Shir looga hadlayo ka hortagga gudniinka Firooniga oo ka furmay Muqdisho

Shir looga hadlayo ka hortagga gudniinka Firooniga oo ka furmay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Moqdisho,7 September 2015- Shirkan oo ay maanta soo qaban qaabisay wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha Diinta ayna ka qeybgaleen culumaa’udiin Soomaaliyeed, loogana hadlayay ka hortagga gudniinka fircooniga ah ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, kaasoo socondoona muddo Labo maalmood ah.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Sheekh Maxamed Qeyroow Aadan oo shirkaasi furay ayaa culumaa’uddiinka Soomaaliyeed kula dardaarmay iney soo bandhigaan waxa diinta Islaamku ka qabto gudniinka fircooniga ah, islamarkaana ay bulshada ku wacyigeliyaan sidii looga hortagi lahaa dhaqankaasi haraadiga ah.

Wuxuu tilmaamay Sheekh Maxamed Qeyroow in wasaaradda iyo culumaa’udiinka Soomaaliyeed uu xil weyn ka saaranyahay wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed ee muslimiinta iyo in bulshada laga reebo dhaqamada ka soo horjeeda Diinta Islaamka,  sida gudniinka Fircooniga iyo wixii la halmaala.

Agaasimaha ayaa ku boorriyay culumaa’udiimka iney shirka maanta furmay ka soo saaraan go’aanno la xiriira arrinta gudniinka Fircooniga si markaasi loogu bandhigo bulshaweynta Soomaaliyeed.

Shirkan wasaaradda owqaafta iyo arrimaha diinta ay maanta u furtay culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa la filayaa in maalinta berrito ah la soo gebagebeeyo islamarkaana laga soo saaro go’aanno wax ku ool ah oo la xiriira gudniinka Fircooniga ah.

DSC03880

DSC03882

DSC038911

DSC03901DSC03894

DSC03903

__________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment