4098 Views

kulan looga hadlay Nabadda iyo is dhexgalka Bulshada oo Muqdisho ka dhacay

____________________________________________________________________________

astaanta.qaranka-426x264

Mogadishu, 19 September 2015 – Kulan looga hadlayay sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Maamulka iyo Shacabka Degmada Cabdicasiis oo ay ka qeybgaleen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda ayaa lagu qabtay degmadaasi

Munaasabadda  ayaa  waxaa  ka soo qeyb galay  maamulka degmada  Cabdicasiis Guddoomiya ku xigeenka  dhanka howlaha guud ee maamulka gobolka, Guddoomiyaha Ururka haweenka  Gobolka Banaadir, odoyaal waxgarad,  Aqoonyahanno, dhallin yaro iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha ururka haweenka  Gobolka Banaadir Jawaarir baarqab oo  goobta ka hadashay ayaa sheegtay in  muhiimadd gaar aah ay leedahay is dhexgalka bulshada.

Guddoomiha degmada Cabdicasiis  Cismaan Muxidiin Cali Cariif  ayaa  ugu baaqay  bulshada ku nool degmadaas  inay ka shaqeeyaan nabadda,  isagoo tartan u furay    Afarta waaxood ee Degamada kuwaas oo ku tartamidoono  Nadaafadda.

Guddoomiya ku xigeenka  dhanka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir CabdiCasiis Cilmi Xalane  ayaa sheegay in haddii lahelo bulsho  mideysan  ay ka dhigantahay in la helay nabad, wuxuuna ugu baaqay shacabka degmada  in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo Nadaafadda degmadaas.

________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment