4659 Views

Sida ugu mudan ugu sahlan uguna kharashyaree lagu qaban karo doorashada madax bannaan oo dhacda sannadka 2016

Sida ugu mudan ugu sahlan uguna kharashyaree lagu qaban karo doorashada madax bannaan oo dhacda sannadka 2016
____________________________________________________________________________

ARAGTIDA XISBIGA DIMUQRAADIGA WADDANIGA (XDW-NDP) EE DOORASHADA 2016 NATIONAL DEMOCRATIC (NDP-XDW) VISION ON 2016 ELECTIONS

HORDHAC

ndpSomalia waxaa helay dib u dhac saameeyay dhamaan haykalkii dawlladnimo iyo hannaankii geddi -socodka hore umarkii shacabka. Saddex sano ayaa laga joogaa wakhtigii Somalia ay ka baxday ku-meel gaarnimo. Affartan iyo Todoba sanona waxa laga joogaa wakhtigii ugu dambaysay ee doorasho xor ah Somalia lagu qabto. Laga bilaabo 1977 Somalia waxay soo martay marxalado adag oo kala duwan iyo madax kala dambaysay oo u badnaa ku-meelgaar.

Saddex sano kaddib waktigii dawllaadda hadda joogta la caleemo saaray, nasiib darro, waxaa caddaatay inaanay suuragal ahayn in doorasho ah Hal qof Hal cod aan la qaban karin. Taasoo ay keentay deganaansho la’aanta siyaasadeed iyo nabad gelyo darrada dalka ka jirta. Ilaa maanta waxaa suuro gali la’ in la helo dawllad ku socota qorshe la dhigay oo lagu hawl galo. Waxaa laga gaabiyay inay sii socdaan guulihii sannadkii 2013 ay Somalia ka gaadhay Arrimaha Debedda , Nabadgelyada iyo soo celinta kalsoonida ummadda Soomaliyeed intaba.

Si kastaba ha noqoto eh waxaa maanta aad loogu baahan yahay in sida ugu mudan, ugu fudud xagga nabad-gelyada, uguna kharashyar loo diyaariyo doorasho caddaalada ah oo aan keenin jahawareer iyo kalsooni xumo. Iyadoo awoodda la saarayo inay noqoto mid dadka Somaliyeed iska leeyihiin curinteed iyo hawlgalkeedaba. Waxaaa dastuurka ku qoran in Baarlamaanka hadda jira uu baddalayo mid ku yimid Doorasho ah Hal Qof Hal Cod. Micnaheedu waxa weeye Odayaal masoo xuli karaan wixii ka dambeeyay 2012, isla markaana 4.5 halkaas ayay ku eg tahay.

Waxaa loo baahan yahay in la isweydiiyo sidee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha iyo dawlladiisa loo dooranayaa? Illaa hadda waxaa laga hadlayaa doorashooyin, lamana ansixin Axsaabtii, tartami lahayd. Waxaana la sameeyay Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyin. Sida shuruucda caalamiga ahi dhigayaan, marka hore waxaa la sharciyeeyaa Axsaabta, iyagaa markaa 100/50 keena Xubnaha Guddida Doorashooyinka ee madaxa bannaan. Halkaas waxaa ka muuqata in Gaarigii faraskii laga hormariyay.

Si kastaba ha u dhacdee, hadda waxaa jirta in meelaha qaarkood lagaga doodayo in la kala doorto dhawr hab oo doorashada 2016ka lagu qaban doono. Waxaase jirta in aad loola dhacsanyahay oo sida badan la qaatay, nidaam doorasho oo ay soo diyaariyeen saddex qof oo aan Somali ahayn, madaxda dalka iyo Beesha Caalamkuna ku qanceen. Nidamkaasi   wuxuu ku salaysan yahay in Odayaal dhaqameed soo qoraan 27,500 oo qof oo xildhibaannada soo kala doorta. Taasi oo keeni karta sidii horeba u dhici jirtay buuq iyo iska-hor imaadyo saameeya gobollada oo dhan. Waxaa hadda ay dhibaato ka jirtaa oo ilaa hadda dhammaan la’ Distoorka dalka oo qabyo ah, Sababtuna waxa weeye Distoorkii ay

Somalidu qoratay ee lixda sano laga shaqaynayay waxa dabayaaqadii 2012kii lagu beddalay mid dad Ajnabi   ahi ay wax kasoo qooreen,. Dastuurkaasi wuxuu u qoran yahay si keentay jahawareer iyo iska hor imaad ka dhammaan waayay madaxdii sare ee dalka hadday tahay dawlad goboleed iyo hadday tahay Madaxweyne iyo Ra’iisal Wasaareba. Ilaa haddana dib u qoridiidisu ma dhammaan.

Waxaa haddaba muhiim ah in laga fiirsado tallaabooyinkan siyaasadeed aynnu kolba qaadaynno, si loo helo degannaan siyaasadeed, xasillooni iyo tallaabo hore loo qaado.   Sida hadda muuqata, kolkii tallaabo hore loo qaadaba, waxaa dib loo qaadayaa saddex tallaabo.

Nidaamyada laga doodaayo iyo saamaynta ay ku yeelan karaan mustaqbalka umadda waxay kala yihiin:

  • Nidaamka loo bixiyay “Kor u Qaadista Xalaalaynta Doorashada” (Enhanced Legitimacy)

Haddii Nidaamka Doorashada ee 27,500 Ergey la qaato amma waxay Guddidii saddexda qof ahayd ee Ajnabiga ahayd ay u bixiyeen “” ( Enhanced Legitimacy), wuxuu keenayaa

  • Jahawareer iyo musuqmaasuq aan xad lahayn;
  • Dib u dhac hore leh iyo qabyaalad sii xoogaysata;
  • Wuxuu keenayaa 27,500 oo si sahlan ugu heshiin waaya 275 ka xildhibaan. Waxaa hubaal ah in 100 qof aanay si fudud ugu heshiin doonin hal xildhibaan;
  • Waxaa mabaadii’da (principles) nidaamkaas kamid ah in 4.5 kii halkiisii ahaado,in Oday dhaqameedkii ay doorkoodii cayaaraan iyo in la dhiirri galiyo sida qabaa’ilku u kala daggan yihiin (Geographic Constituency). Haddii faahfaahinta nidaamkaas la raaco, waxaa iman doonta in xitaa ay Axsaabta qalaanqal ka dhaco, sida loo qoray awgeed.

Nidaamkan oo ay qoreen dad aan dhaqanka Somaliyeed aqoon u lahayn wuxuu noqon karaa kii salka u noqon lahaa xasallooni la’aan iyo fawdad hor leh oo soo wajahda dalka.

  1. Nidaamka labaad oo ah in Dawllad Goboleedyadu ay soo xulaan/doortaan Xildhibaannada,

Haddii la qaato nidaamkan waxaa ka hor imanaya;

  • Sua’aalaha ah, marka hore iyagu ma dhammays tireen shuruucda Dastuurigaa ahaa ee xalaalaynta kamid ahaanshahooda   Dawladda federaalka ah?
  • Kuwa aan weli jirin maxaa laga yeelayaa?
  • Heshiis ma ku noqon karaan beelaha wada deggan Dawllad Goboleedyada, iyadoo la og yahay in ay khilaafaad badani ka jiraan dawllad Goboleedyada hadda jira sida Galmudug, Konfur Galbeed iyo Jubbaland.
  1. In la qaato nidaamkii 135 Oday Dhaqan;Nidaamkan kor ku qoran isaga, Dastuurka ayay kuqeexantahay inaan dib loogu noqon Karin. Waana nidamkii lagu saleeyay 4.5 oo isna si cad loogu qoray Distoorka in wixii ka dambeeyay 2012 aan wax lagu soo dooran Karin.Sidaa awgeed waxaa muhiim ah in la isla garto amma si furan looga wada tashado habkan hoos ku qoran oo aannu isleenahay waa ka ugu mudan,ugu fudud, uguna kharash yar, maadaama aan kharsha ku baxaya hababka kale aan loo hayn.

HABKA UGU MUDAN UGUNA KHARASHYAR EE LAGU QABAN KARO DOORASHO MADAX BANNAAN OO DHACDA SANNADKA 2016.

Maadaama aanay suurtogalahayn in Doorasho hal Qof Hal Cod la qabto sannadka 2016, waxay danta dalka iyo dadkuba ku jirtaa in sida ugu fudud ee ugu dhibta yar loo qabto doorasho xalaal ah oo ku salaysan Axsaab. Waa in loo kala qaadaa laba doorasho. Ta hore oo la qaban doono 2016, loona qaban doono Madaxweynaha iyo tan labaad oo la qabto 2017 amma 2018, loona qabto Baarlamaanka, taasoo noqonaysa Hal Qof, Hal Cod.

  1. Waxaa muhimadda Koobaad ah in sida ugu dhakhsoha badan loo sharciyeeyo Axsaabta, oo Baarlamaanku ansixiyaa Axsaabta, si loo gaadho doorasho ku salaysan Axsaab.
  2. Waa in bisha Jannaayo ee2016 inta ka horraysa la diiwaan galiyaa Axsaabta;
  3. Waa in Axsaabta loo aqoonsado Axsaab Qaran ay helaan shahaadado aqoonsi iyo tageero tayo.
  4. Waa in Axsaabtu ay doorasho gudahooda ah ay sameeyaan iyagoo ku salaynaya shuruucdooda iyo Xeerarkooda, kuna soo doortaan dadka ay Madaxweynayaal u doonayaan;
  5. Wakhtiga la gaadho doorashooyinka oo ah September, 2016, waa in Baarlamaanku sidii 2012kii ay u kala doortaan madaxda Axsaabtu soo sharraxaan, halkaana lagu soo saaro Madaxweynaha ku guulaysta.
  6. Waa in Guddoonka Baarlamaankana dib loo soo doortaa September, 2016;
  7. Waa in Madaxweynaha lasoo doortaa uu 30 maalmood gudahood kusoo magacaabaaWasiirka Koobaad, si loo dhiso dawllad.
  8. Dawlladdaa cusubi waa inay sida ugu dhakhsoha badan ay u bilawdaa habkii iyo hannaankii loo qaban lahaa doorashadii Baarlamaanka oo Hal Qof, Hal Cod ah.
  9. Dawlladda cusubi waa inay dhammaystirtaa hawlaha iyo shuruucda qabyada ah, si hore u mar loo gaadho.

Habkan kor ku qorani waa habka ugu haboon uguna kharashka yar. Kharashka ku baxaya doorashadaas waxaa mas’uul ka ah Xisbiyada, loomana baahan doono in Beesha Caalamka la weydiisto kharashaadka ku baxaya, si uu u noqdo ficil dadka iyo dawlladda Soomaliyeed curiyeen isla markaana fuliyeen. Sidaa awgeed   kharashka dawlladda ku dhacayaa wuu yaraanayaa.

Waa nidaam isugu jira Madaxweyne ku yimid doorasho Axsaab iyo Baarlamaankii oo dhammays tiraya doorashad Madaxweynaha. Taasii waxay ka ilaalinaysaa dalka in mar kaliya la wada beddelo Madaxweynihii iyo Baarlamaankii, si aanu dalku ugu dhicin God (Vacuum) oo khatarteeda leh, madaama dalku nabadgelyo xumo iyo degganaan la’aan ku jiro. Doorashada Baarlamaanka waa in 12 bilood amma 24 bilood kaddib la qabtaa.

Waxaa habboon in doorashooyinka dalka si darandoorri ah amma isweydaar ah loo qabto. Oo hadba ciddii cusubi ka faa’ii’daysato kuwii khibradda lahaa, hadduu yahay Baarlamaan iyo hadday tahay dawlladaba, sida dawladaha kale ee caalamku ku dhaqmaan. Doorashada xildhibaanadu waa inay ku salaysan tahay nidaamka Axsaabta, lana dhammaystiraa tiirarkii lagu dhisi lahaa ,sida tirokoob iyo diiwaagelinta dadweynaha.

Ugu dambaystii, Waa fursad uu Shacbigu kusii barto nidaamka doorashooyinka Axsaabta iyo dimuqraadiyadda, inta aan doorasho Hal Qof iyo Hal Cod loo gudbin.

 

 

.

Waxaa soo diyaariyay:

Muqdisho, 19ka Sebtember, 2015

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment