5823 Views

Wafdi ka ka socda maamulka koonfur galbeed oo tagay Buurhakaba

____________________________________________________________________________

buur-hakaba

Muqdisho, 27 September 2015: Wafdi maalintii labaad ku sugan degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa waxaa u hogaaminaya wasiirka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya  C/raxmaan Sate waxaana kamid ah wasiiro ka tirsan maamulkaasi, guddoomiyaha  gobolka Baay,xubno ka socda hey’adaha samafalka ee ka howlgala gobolka Baay.

U jeedada xubnahan  ay u tageen Buurhakaba ayaa waxaa kamid ah sidii maamul cusub loogu sameyn lahaa degmada iyo u kuurgelida xaaladaha nolaleed ee ka jira Buurhakabo maadaama halkaasi uusan ka jirin adeegyada aas aasiga ah ee sida waxbarashada, caafimaad iyo biyaha nadiifka ah.

Degmada Buurhakaba ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka muddooyinkii dambe ay ka soo yeereysay qeylo dhaan ku aadan biyo la’aan ka jirta waxaana mas’uuliyiintan ay sheegeen in dhibaatada heysata dadka ku dhaqan degmadaasi ay wax ka qaban doonaan.

————————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment