4296 Views

Ra’isul Wasaare Cumar C/rashiid oo khudbad ka jeediyay shirka golaha Q.M

Ra’isul Wasaare Cumar C/rashiid oo khudbad ka jeediyay shirka golaha Q.M
____________________________________________________________________________

Mogadishu, 2 October 2015: Ra’isul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo ka qeyb galaya shir madaxeedka Qaramada midoobay islamarkaana xalay khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay waxqabadka Dowladda iyo qorshayaasha dowladda ay ku dooneyso horumarinta iyo xasiloonida dalka.

Ra’isul wasaaraha oo khudbadiisa eheyd mid dheer oo si qoto dheer uu kaga hadlay marxaladooyinkii dalka uu soo maray halka maanta aynu joogno iyo hiigsiga mustaqbal ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku tilaabsatay horumaro aan la soo koobi Karin oo ay ka gaarta la dagaalanka argagaxisada, gaarsiinta dowladnimada gobolada, dhaqan galinta xuquuqul insaanka, tayeynta ciidamada, iyo arrimo kale.

“Soomaaliya hada waxay leedahay wijigii horey loogu yaqiinay wax ka badalan oo soo bidhaaminaya mustaqbal wanaansan, waxaa dalka ka dhacday 2012-kii doorasho xor ah oo uu madaxweynaha talada haya uu kula wareegay si demoqraadi ah madaxweynihii horena uu si demuqraadi uu talada dalka uu ugu wareejiyay mudane Xasan Sheekh Maxamuud taasi oo wax qariib ku ah wadamada Africa” Ayuu Yiri Ra’isul Wasaare Cumar.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta xoojinta dowladnimada iyo ciribtirka argagaxisada oo caadeystay leynta iyo dabar goynta Umadda Soomaaliyeed oo wax badan lagaga guuleystay.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment