3909 Views

Farmaajo “Ma ahan in la caburiyo Saxaafada madaxa banaan”

____________________________________________________________________________

Farmaajo-280x175

Muqdisho, 04 October 2015 –Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ahaa R/wasaarihi hore ee Soomaaliya, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay xarigii Ciidamada Ammaanka ay xireen Xafiiskii telefishinka Universal, Agaasimihii Bariga Afrika ee Telefishinka TV iyo Wariye Cawil Dahir

Farmaajo oo wareysi siiyay mid ka mid ah Idaacadaha maxaliga ayaa walaac ka muujiyay in 25-sano kadib dowladdu caburiso warbaahinta madaxa banaan, isagoo xusay in dowladda ay ku tumatay dimoqraadi loo han-weynaa.

“Runtii waa arrin aad looga xumaado, inta la galo Xafiiskii Telefishinka Universal la xiro, waliba labada mas’uul ee Telefishinka ka tirsan ay labo cisho ay xiran yihiin, ma ahan in dowladdu caburiso warbaahinta”ayuu yiri Mr Farmaajo.

Waxaa uu cadeeyay in aan loo baahneyn dad xilligan loo xiro arrimo siyaasadeed, isla markaana uu dalka u horseedi karto mugdi, waxaana uu xusay in Madaxda dowladda ay iyagaba saxaafada adeegsadaan marka ay ka dhuumanayaan Bulshada indhaheeda.

“Ma ahan in arrimo siyaasadeed dad loo xiro, wuxuuna dalka u horseedi karaa mugdi, Madaxweynaha laftigiisu Universal iyo Idaacadaha kale wuu u yeertaa si uu hadalkiisa ugu mariyo shacabka”ayuu mar kale yiri Farmaajo.

Laba habeen ka hor ayay aheyd markii Ciidamo ka tirsan Nabadsugida ay xireen Xafiiskii Telefishinka Universal ee Muqdisho, waxaana arrimaha lagu heysto Telefishinku la sheegay inay tahay dood ka baxday todobaadkii hore oo ay ka qeyb galeen Xildhibaano ka tirsan Baralamaanka, waxaana ay sheegeen in dalku uu gacan shisheeye wali ku jiro.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment