5868 Views

Go’aamo laga soo saaray shirkii midnimada iyo aayaha gobolka Gardafuul

Go’aamo laga soo saaray shirkii midnimada iyo aayaha gobolka Gardafuul
____________________________________________________________________________

Caluula | October 5, 2015 | Shir ay isugu yimaadeen waxgaradka cuqaasha iyo nabadoonada dalka gudahiisa iyo dibadiisaba joogga ee Degmooyinka Caluula Bareeda iyo Murcanyo oo uu gogol dhigay Beeldajaha Calbari Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin  oo markay  Taariikhdu  ahayd 29/9/2015 uga furmay Degmada Caluula oo laga tashanaayay Ayaaha Gobolka Gardafuu iyo Midaynta iyo Xalinta Khilaafaadka Yaryar ee beelaha Deegaanadaas ayaa maanta la soo gabagabeeyay, waxaana laga soo saaray go’aamo ka kooban dhowr qodob.

Wadatashi qaatay waqti dheer ka dib waxay dhammaan Guurtidii ka soo qayb gashay shirkan ay si buuxda isugu raaceen qodobada soo socda:

  1. Nabadgalyada Shacabka iyo midnimada Puntland waa Muqadas
  2. Nabadgalyada Shacabka iyo Midnimada Gobolka Gardafuu waa Muqadas
  3. Waxaan mar labaad baaq u diraynaa beelaha walalaha ah ee ku dagaalamay deegaanada qoriley iyo cagaarane inay dagaalka Shuruud la’aan ku joojiyaan.
  4. Waxaan ugu baaqaynaa Dawlada Puntland inay xil gaar ah iska saarto Hay’adaha kala duwan iyo Gobolka
  5. 5. Guurtidu waxay isku waafaqeen inay mamnuuc  tahay :
    • Jarida dhirta qoyan
    • Xasuuqa ugaarta iyo shinnida
    • Xaalufka Badda ( Kaluumaysiga sharci darada ah )
  6. Guurtidu waxay isku waafaqeen in Doonyahaya Shisheeye ee kallumaysiga ee laysinka haysta inaanay soo dhaafi karin 15 mayl
  7. Dhamaan waxaa loogu baaqaayaa hay’adaha iyo wasaaradaha Gobolka  u qoran in ay ugu danbayn 30/10/2015  xafiisyadooda ku furtaan oo gobolka ka howl bilaabaan , ciddii ka gaabisana arinkaas waxaan ka gudbinaynaa dacwad ka dhan ah.
  8. Waxaan u soo jeedinaynaa qurba-joogta kasoo jeeda Gobolka inay ka soo qayb qaataan Dhismaha, Horumarinta iyo kicinta  Gobolka meel kasta ay Dunida ka joogaan.

 

Nabadoonada ku saxiixan  war murtiyeedka ka soo baxay shirka:

1. Nabadoon  Maxmed Axmed Yuusuf
2. Nabadoon Aadan siciid maxamed (Xayle)
3. Nabadoon maxamuud cali maxamed
4. Nabadoon siciid maxamed C/kariin
5. Nabadoon   Nuur cismaan Togox
6. Nabadoon  Axmed ismaaciil Barre ( Aw koombe)
7.  Nabadoon  maxamed yaasiin sagaar
8. Nabadoon   saalim Maxamed Yuusuf
9. Nabadoon   maxamud Jamac Xuseen (shibile)
10. Nabadoon   siciid maxamed ifiye
11. Nabadoon  saalax maxamed dacar
12. Nabadoon  maxamuud maxamed yuusuf
13. Nabadoon   yuusuf faarax Yuusuf
14. Nabadoon   faarax xasan yuusuf
15. Nabadoon   maxamed maxamuud cumar
16. Nabadoon  C/qaadir cabaas Cabdalle
17.  Nabadoon Abshir Hiirad Siciid
18. Nabadoon Maxamed siciid maxamuud
19. Nabadoon Ducaale samatar Ducaale
20. Nabadoon Axmed maxamuud Cumar (Shanaawi)
21. Nabadoon Maxamed yuusuf Cali

.

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment