4401 Views

Kooxda Dacish oo dishay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada Iran

Kooxda Dacish oo dishay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada Iran
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 09 October 2015 – Dowlada Iran ayaa xaqiijisay in Jeneraal Hossein Hamedina oo ka tirsan saraakiisha sar sare ee  militariga Iran lagu dilay Xalay  duleedka magaalada Aleppo.

Jeneraal Husen  Hamedina ayaa hoggaaminay guutooyin ciidamada khaaska ah ee Iran u dirtay Siiriya si ay gacan u siiyaan militariga xukuumadda Bashar Assad, wuxuuna kala talinayey ciidamada dowladda Siiriya hawlgallada ay sida wada jirka ah u bilaabeen ciidamada Bashaar Assad, Xisbullah iyo guutooyin ka socda militariga Iran, kuwaasi oo dhanka cirka ay ka taageerayaan diyaaradaha Ruushka.

Sidoo kale Jeneraal Hamedina ayaa lagu xasuustaa inuu ahaa hoggaamiyihii ciidamadii cagta mariyey mudaharaadyadii ka dhacay dalka Iran sanadkii 2009-kii  xiligii ay doorashada dhaceysay, waxaana saarneyd cunaqabateyn ay kusoo rogeen dalalka Midowga Yurub qaarkood sida dalka Britain.

Dagaalyahanada ISIS ayaa la sheegay inay fuliyeen weerarka lagu dilay Jeneraalka walow aysan ciidamada Iran weli faah faahin ka bixin qaabka uu weerarkaasi xalay u dhacay.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment