4992 Views

Guddoomiye Jawaari “Dib ayaa loo dhigay furitaanka kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka”

Guddoomiye Jawaari “Dib ayaa loo dhigay furitaanka kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 17 October 2015 – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa shaaciyey in dib loo dhigay furitaanka kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka oo markii hore loo asteeyey 21ka bishan October.

“Dhammaan Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa la ogeysiinayaa in Furitaanka Kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka oo ku qorsheysnaa 21ka Oktoober 2015 dib loo dhigay 25ka Oktoobar 2015 si loo dhammeystiro howlaha la xiriira diyaarinta ajendayaasha Kalfadhiga”- ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

“Waxaa laga codsanayaa in Xildhiibaannada dhammantood ay dalka soo galaan diyaarna u noqdaan xil-gudashada uga beegan Kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka, sidoo kale Xubnaha Guddiga Joogtada ee Golaha ayaguna iney ugu dambeyn dalka soo galaan 23ka Oktoobar 2015”- ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

Golaha Baarlamaanka hadda jira oo ah madasha 9aad ee Baarlamaan ay Soomaaliya yeelato ayaa mudada xil gudashadiisa waxaa hada uga haray laba Kalfadhi oo kala ah Kalfadhiyada 7aad iyo 8aad waxaana labadaasi Kalfadhi laga doonayaa iney qabtaan howlo badan oo ay ugu muhiim san tahay iney ku diyaariyaan Baarlamaankii ayaga bedelli lahaa.

 

 

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment