5808 Views

Guddoomiyaha cusub ee gobolka banaadir oo kormeeray aqalka dowladda Hoose

Guddoomiyaha cusub ee gobolka banaadir oo kormeeray aqalka dowladda Hoose
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 31 2015 – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay xafiisyada aqalka dowaldda Hoose ee Xamar, halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” gwaxaana sidoo kale lagu soo wareeyay xaruntii hore ee gobalka banaadir ee Degmada Heliwaa, xarunta Tababarada Dowlada hoose Xamar ee degmada Boondheere iyo meelo kale.

Inta ay mas’uuliyiintan kormeerka ku jireen waxey soo dhaweyn balaaran ay kala kulmayeen maamulada degmooyinka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, iyagoo muujinayey dareenkooda farxadeed ee ku aadan booqashada mas’uuliyinta.

Ujeedka kormeeerka ayaa ahaa sidii Guddoomiyaha Cusub ee maamulka Gobalka Banaadir uu ugu kuur geli lahaa shaqooyinka kala duwan ay qabtaan maamulka iyo howl wadeenada Gobalka iyo sida looga shaqeeyo xarumaha ay ku howlgalaan, isagoo bogaadiyay howlaha ay bulshada u hayaan.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane oo kormeerka kadib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in guddoomiyaha Gobolka uu maanta kormeer howleed ku tegay xarunta dowladda Hoose iyo goobo kale, oo u jeedku ahaa u kuul gelidda xaaladaha ay ku shaqeeyaan howl wadeenada Gobolka.

Maalinta Isniinta ah ee fooda nagu soo heysa ayaa lagu wadaa in Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ay ka dhacdo munaasabad uu xilka kula wareegayo guddoomiyaha cusub ee maamulka Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

IMG_0187-620x264

IMG_0162IMG_0177IMG_0207

IMG_02671

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment