5898 Views

Tababarada Ciidamadu waa astaan muujinaysa Dib-u-dhiska ciidanka qalabka sida

Tababarada Ciidamadu waa astaan muujinaysa Dib-u-dhiska ciidanka qalabka sida
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 31 2015 – Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed, ayaa maanta kormeer howleed ku tagey Xerada Jazeera ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo tababarro ay uga socdaan cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxana uu taliyuhu kormeeray dhammaan qeybaha kala duwan ee xerada ay ciidamadu tababarka ku qaataan, isagoo warbixinno ka dhageystay saraakiisha tababarka bixinaysay oo isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib.

Sareeyo Gaas Maxamed Aaden ayaa uga mahadceliyey saraakiisha tababarka bixinaysa sida ay uga go’an tahay in ay soo saaraan ciidan leh tayo iyo tababar sare, isagoo u sheegay ciidamadii tababarku u socday in shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan difaaca dalkooda Hooyo, dhinaca kalena ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in gacan ay ka geystaan dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Tababarada aad qaadanaysaan waa qayb muhiim ah oo kamid ah dib-u-habaynta iyo tayayn qorshaysan ee dib loogu dhisayo ciidanka qaranka Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo intaas raaciyey in Taliska ciidanka xoogga Dalka uu muhiimadda koowaad siinayo sidii dalku u heli lahaa ciidamo aqoon iyo khibrad ku shaqeeya, kana madax banaan eex iyo cid gooni ah.

“Tababarada ciidamadu waa astaan muujinaysa Dib-u-dhiska ciidamada qalabka sida, waxaana naga go’an inaan ballaarino tababarada iyo qalabaynta ciidamadeena si ay u gutaan waajibaadka Qaran ee ay u idman yihiin” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyey Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed.

1-22

1-51

1-8

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment