3969 Views

Dibad bax ka dhan ah weerarkii Al-Shabaab ee Hotel Saxafi oo ka dhacay Muqdisho

Dibad bax ka dhan ah weerarkii Al-Shabaab ee Hotel Saxafi oo ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 04, 2015 –Banaanbax looga soo horjeedo weerarkii   argagixisada Al-Shabaab ay ku laayeen dad wax gal u ahaa bulshada Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay hay’adda wada hadalka bulshada ee CCD ayaa maanta   lagu qabtay xarunta Aqalka dowlada hoose ee Xamar.

Banaan baxayaasha oo u badnaa haween ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxa ay socod ku soo mareen degmada Shingaani ilaa iyo xarunta dowladda hoose ee degmada Xamar weyne, waxaana ay wateen boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo looga soo horjeeday maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Guddoomiye kuxigeenka degmada Xamar weyne ee dhinaca arrimaha Bulshada Maxamuud Cali Xasan ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka looga baahan yahay inay soo sheegaan dadka falalka amni darida wada, si looga hortago falalka ay maleegayaan.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa tilmaamtay in banaan baxan uu yahay mid looga soo horjeedo xasuuqii Hotel Saxafi, isla markaana ay ka dhiidhinayaan falalka guracay oo ay ku kacayaan argagixisada Al-Shabaab, waxaana ay tacsi u dirtay ehelada dadkii ku dhintay weerarkaas.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye oo gaba gabadii ka hadlay dibad baxa ayaa sheegay inay cambaareynayaan weerarkii Hotel Saxafi, isla markaana uu ahaa weerar argagixisonimo oo lagu dhibaateeyay dad wax gal u ah bulshadal, isagoo xusay in Allaha u naxariistee Dhega badan uu ahaa ninkii Muqdisho iyo gobolada ka saaray Al-Shabaab.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment