6609 Views

Jaamacadda SIMAD oo qaan-gaartay.

____________________________________________________________________________

31-620x264

Muqdisho, November 06, 2015 – Munaasabadan lagu maamuusayay xuska 16 guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay Jaamacaddda SIMAD oo ku began 6-da November ee sanadki 1999-kii maanta oo kale ayaa maanta lagu qabtay xarunta jaamacadda ee magaalada Muqdisho. Waxaa ka qeyb galay munaasabadda maamulka, macalliminta, ardayda iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay xafladda maalinta Jaamacadda SIMAD.

Yuusuf Macalin Xasan oo bare ka ah Jaamacadda SIMAD ayaa ka sheekeeyay taariikhda Jaamacadda, isagoo xusay in Maalinta Jaamacadda SIMAD loola jeedo in bulshad la xusuusiyo waxyaabihii u qabsoomay Jaamacadda sanadkaasi iyo qorsheyaasha ay hiigsaneyso inay gaarto.

“SIMAD waxaa la aas aasay 6 November 1999, kii waxaana lagu aas aasay guri, shaqaale shan gaaraya ayaa xilligaas ka howgeli jiray, maantana 221 shaqaale oo joogto ah ayaa ka howlgala, 50 si kumeel gaar ah, saddex meel ayay Jaamacaddu dhul ku leedahay, marxalado kala duwan ayayna soo martay, marka ujeedka maalinta Jaamacadda SIMAD, macnaheedu waxa uu yahay in sanadkasta xilligan oo kale la xuso, lagana hadlo wixii horumar ah oo ay Jaamacadda ku talaabsatay” ayuu yiri Ustaad Yuusuf Macalin.

Ustaad Cabdullaahi Aadan oo wakiil ka ah hay’adda Direct Aid oo ah hay’addii aasaastay Jaamacadda ayaa sheegay in hay’addu ay xarunteeda ku taalo dalka Kuwait, isla markaana ay u taagantahay horumarinta Qaaradda Afrika iyo in bulshada laga caafiyo xagga tacliinta sare.

Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD Daahir Xasan Cabdi (Daahir Carab)  ayaa hoosta ka xariiqay in horaanta sanadka cusub ay duleedka Muqdisho ka hirgelin  doonaan isbitaal loogu adeego bulshada iyo ardayda wax ka barata Jaamacadda iyo in gobollada dalka ay gaarsiin doonaan faracyo Jaamacadda SIMAD hoostaga, si adeegyada ay bulshada u hayaan lagu baahiyo gobollada dalka.

“Runtii Jaamacadda SIMAD sanadka cusub waxaa inoo qorsheysan in aan dad u dirno shahaadaha PHD, maadaama Jaamacadda ay iminka sare u qaaday barashada heerka labaad ee Jaamacadda, waxaan kaloo hirgelineynaa machad lagu barto luuqadaha, si ardayda Jaamacadda ka baxda ay u noqdaan kuwa dhan waliba ka dhisan” ayuu yiri Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD Daahir.

Sanadka kasta lixda November maanta oo kale waxaa la xusaa markii la aas aasay Jaamacadda SIMAD, iyadoo maamulka ay soo bandigaan waxyaabaha u qabsoomay sanadkaas iyo himilada ay hiigsanayaan sanadka xiga.

24427182101131

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment