4119 Views

Dowladda Soomaaliya oo amartay in la xiro 35 Website oo laga ashtakooday

Dowladda Soomaaliya oo amartay in la xiro 35 Website oo laga ashtakooday
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 10 November 2015: Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in u amar ku bixiyay in la xannibo illaa 35 website, kuwaas oo uu sheegay in ay baaris ku socoto  ka dib markii ay heleen cabashooyin kala duwan oo soo gaaray Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud.

Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa amar lagu siiyay in ay  xannibaan Website-yadaas inta la hubinayo sugnaanshaha cabashooyinka soo gaartay xafiiska Xeer ilaaliyaha. Qoraalkan oo uu soo saaray Xeer ilaaliye ku Xigeenka Soomaaliya, Maxamuud Cabdi Xaaji Aadan oo lagu socodsiiyey Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in cabashooyinka loo haysto website-yadaas ay isugu jiraan kuwo la xidhiidha dhinaca anshaxa iyo faafinta dacaayado kala duwan oo ay ku ijaafaynayeen dad magac iyo maamuus ku leh Wadanka gudahiisa iyo dibada intaba.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment