4578 Views

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo dhoweysay heshiiski Gaalkacyo

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo dhoweysay heshiiski Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, December 2, 2015 – Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlada Federaalka, ayaa soo dhoweysay heshiiska maanta lagu gaaray magaalada Gaalkacyo kaasoo ay ku tilmaantay inuu ahaa mid wax ool ah.

Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa sheegtay in heshiiskan uu yahay mid laf-dhabar u ah xal-u-helidda colaaddii ka taagneyd magaaladaasi maalmihii lasoo dhaafay. Dowladda Federaalka ah oo kaashaneysa madaxda maamul-goboleedyada, iyo xubno ka tirsan beesha caalamka ayaa ka soo wada shaqeeyay taabogelinta heshiiskaas oo an la ogeeyn inta uu gaari-doono.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka waxa ay ugu hambalyeyneysaa hogaamiyeyaasha labada maamul ee Puntland iyo Galmudug sida xilkasnimada iyo geesinimada laheeyd oo ay u qaateen heshiiska isla markaana xil ballaaran iskaga saareen sidii bulshada ku nool magaaladda Gaalkacyo ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo ka mid ahaa masuuliyiintii arrintaas ku howlanaa maalmihii lasoo dhaafay ayaa yiri, “Heshiiskaan wuxuu muhiim u yahay soo af-jaridda colaaddii ka aloosantay magaalada Gaalkacyo iyo dib u soo celinta dadkii ku barakacay colaaddaas.

heshiis-galmudug+puntland-5

Sidoo kale Wasiir Odowaa wuxuu sheegay in uu ku reja wayn yahay in heshiiskani uu qeyb ka noqdo dadaalada loogu jiro in xal waara loo helo khilaaf kasta oo ka jiro magaalada Gaalkacyo. Wuxuu kaloo bogaadiyay biseylka siyaasadeed ee ay muu jiyeen labada dhinac.”

Wasaaraddu waxa ay xuseysaa dowrka muhiimka ah oo ay ka qaateen Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar C/rashiid Cali, madaxweynayaasha maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubaland, mudane Shariif Xasan Sh. Aden iyo mudane Axmed Maxamed Islaam, kuwaas oo kaalin buuxda ka qaatay sidii la iskugu soo dhaweyn lahaa shacabka iyo maamullada Puntland iyo Galmudug.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka waxay ku boorineysaa Puntland iyo Galmudug in ay si buuxda u fuliyaan qodobada ku xusan heshiiska kana shaqeeyaan sidii nabad iyo xasilooni waarta loogu heli lahaa shacabka deggan magaaladda Gaalkacyo iyo dhamaan gobolka Mudug.

Dahanka kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa ka codsaneysaa deeq-bixiyeyaasha iyo hay’adaha gargaarka in ay gacan ka geystaan samata bixinta dhibaatadii bini’aadaminimo ee ka dhalatay colaaddii Gaalkacyo iyo sidii dib loogu so celin lahaa dadkii rayidka ahaa ee ku barakacay dagaaladaas.

Ila hada m jirto cid dimbiga dagaalka la saaray, kaas oo ay ku barakaceen qoysas fara-badan oo shacbi ah oo isla markaana an wax lug ah ku laheeyn dagaalka labada Hogaamiye ay wateen.

 

 

.

 

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment