3762 Views

Dagaal u dhaxeeya labo Belood oo Beledwene ka qarxay

Dagaal u dhaxeeya labo Belood oo Beledwene ka qarxay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 13 December 2015: Dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed ayaa mar dhow ka qarxay galbeedka magaalada Beledweyn, xaafada Howl-wadaag, iyadoo dagaalkan uu saameeyay dhaq dhaqaaqii iyo isu socodka magaalada.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa labada dhinac isu adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo la maqlayo rasaas.

Ila iyo lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inay ka cabsi qabaan in dagaalka uu ku sii fido xaafado kale oo barakac ballaaran uu ka dhasho.

Wax war ah oo ka soo baxay, Maamulka magaalada Beledweyn oo ku aadan dagaalka saaka ka socda xaafada Howlwadaag, ma jiro. Hasa yeeshee odayaasha deegaanka ayaa isku dayaya inay dagaalka joojiyaan.

Ma aha marki ugu horreeysay uu dagaal ka dhaco xafadda Howlwadaag. Maalin ka hor ayay aheyd markii dabley hubeysan ay galbeedka magaalada Beledweyn ku dishay askar ka tirsan ciidanka dowladda, waxaana dhowr jeer oo hore xaafada howl wadaag ka dhacay iska hor imaadyo.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment