3744 Views

Golaha wasiirrada oo ansixiyay dhismaha ciidanka Badda

____________________________________________________________________________

Astaan

Muqdisho, 18 December 2015: Golaha wasiirrada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kulankoodii caadiga ahaa maanta ku yeeshay Muqdisho ayaa ansixiyay sharciga dib u habeeynta iyo dhismaha ciidanka Badda iyo difaaca xeebaha dalkeena.

Afhayeenka xukuumadda C/salaan Caato ayaa warbaahinta u sheegay in golaha wasiirrada ay maanta ansixiyeen sharciga dhismaha ciidanka Badda, kaasoo uu tilmaamay in ay soo diyaarisay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wuxuu intaasi ku daray Afhayeenku in sharcigan uu kulanka golaha wasiirrada soo hordhigay wasiirka Gaashaandhigga Jeneraal c/qaadir Sheekh Cali Diini kaddibna uu goluhu meel mariyay sharcigaasi.

Afhayeenka ayaa xusay in sharcigan ay soo diyaariyeen qubaro aqoon durugsan u leh dhismaha ciidamada Badda, isagoo hoosta ka xariiqay in dhismaha ciidamada Badda uu faa’iidooyin badan u leeyahay ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa tibaaxay in wax qabadka ciidamada Badda ay ka mid tahay ka hortagga wasaqda iyo suntan lagu shubo baddeena, iyo ilaalinta iyo difaaca guud ahaan baddeena Soomaaliya.

Golaha wasiirrada  ayaa sidoo kale ka dooday kaddibna meel mariyay sharciga tariifada canshuuraha Berriga,  kaasoo ay dhawaan golaha usoo gudbisay wasaaradda Maaliyadda sida uu sheegay Afhayeenka xukuumadda C/salaan caato.

Shirka golaha wasiirrada ee maanta waxaa shir guddoomiyay R/wasaare ku xigeenka dalka mudane Maxamed Cumar Carte.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment