4545 Views

Kulan looga hadlayay ilaalinta xuquuqda carruurta oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan looga hadlayay ilaalinta xuquuqda carruurta oo lagu qabtay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 19 December 2015: Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqul Aadanaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa ay soo qabanqaabisay kulan ay ka soo qeyb galeen Wasiirka Wasaaradda Haweenka, culimaa’udiin, saraakiil ka socotay ciidamada xoogga dalka, xubno ka kala socday qaar ka mid ah Wasaaradaha Xukuumadda iyo haween kaa oo looga hadlayey sidii dhaqan gelin iyo wacyi gelinba looga sameyn lahaa axdiga xuquuqda carruurta Soomaaliyeed.

Faadumo Maxamed Cali agaasimaha waaxda Haweenka iyo Carruurta ee Wasaaradda Haweenka iyo xuuqda aadanaha oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in bulshada looga  baahanyahay in la hirgeliyo heshiiska carruurta, waxayna ku baaqday in qoys kasta oo Soomaali ah u xanaaneeyo mid ka mid ah carruurta ku dayacan wadooyinka magaalada Muqdisho si loo waayo carruur dhibaateysan ee an hooy lahayn.

Canab Xasan Cilmi oo ah guddoomiye ku-xigeenka ururka Haweenka Qaranka aya xustay in ay lagama maarmaan tahay in la hirgeliyo heshiiskan ku saleysan xuquuqda carruurta Soomaaliyeed, isla markaana carruurta laga ilaaliyo waxyaabaha qatarta naftooda ku keeni kara.

Ugu dameynti Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Soomaaliya Sahra Maxamed Cali Samatar aya sheegtay in ahmiyadda kulankani u yahay dhaqan gelinta sharciga carruurta, waxaana ay Wasiirku xustay in ay waajib tahay daryeelka carruurta Soomaaliyeed si lo helo jiil dhan kasta ka bad qaba.

Horaanti sanadkan ayuu Mahadaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud u saxiixay heshiista ku saleysan dhowrista xaquuqda carruurta, iyadoo Wasaaradda Haweenka ay dadaal ugu jirto dhaqan galka heshiiskaasi carruurta.IMG_8076IMG_8067IMG_8083IMG_8120

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment