3273 Views

M/weyne Xasan Shekh oo ka hadlay howlihii uu qaban waayay inta uu xilka haayay

M/weyne Xasan Shekh oo ka hadlay howlihii uu qaban waayay inta uu xilka haayay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 10 January 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa Markii u horreysay Ka Hadlay Waxyaabaha Mudadii uu Xilka ka Hayay Gaabiska ku yimid ee eheyd in laqabto.

Madaxweyne Xasan ayaa qiray in ay jiraan Howlo badan oo loo baahnaa in la qabto xili hore balse ay ka Gaabisay Dowladiisa Mudada uu Kursiga ku Fadhiyo.

Taa Badalkeed ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Tilmaamay Muhiimada in ay tahay in Darsi laga Qaato waxyaabihihii Habacsanaanta ku yimid si eysan Markale usoo Laaban.

Dadka qaar kamid ah Shacabka Soomaaliyeed ayaa ku kala aragti duwan Waxqabadka Madaxweyne Xasan ee Mudada uu Kursiga ku Fadhiyo Qaarkood ayaa aaminsan iney jiraan howlo muuqdo oo uu qabtay halka dad kalana ay aaminsanyihiin iney jiraan qodobo ay eheyd muhiimada Koowaad in lasiiyo balse la hareer maray.

In kastoo Mudane Xasan uu qirtay howlaha qaar qabashadooda laga gaabiyay, hadana weli far kama qodna, arrintaas oo dhibaata keeni karta doorashada 2016.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment