6063 Views

Hay’adda nabad sugida Soomaaliya ee NISA oo gacanta ku dhigtay Ninki Hogaaminaayay Dagaalki Xeebta Lido

Hay’adda nabad sugida Soomaaliya ee NISA oo gacanta ku dhigtay Ninki Hogaaminaayay Dagaalki Xeebta Lido
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 22 January, 2016: C/Risaaq Cumar Maxamed oo ah Wasiirka Amniga, ayaa  sheegay in la soo gabgabeeyay hawlgalkii Liido , iyada oo tirada dhimashadu gaarayso 20 qof oo ay ku jiraan afar ka mid ah kooxdi dagaalka soo qaaday.

Hawlgalkan ayaa socday mudo ka badan 10 saacdood iyadoo ciidamada kooxihii soo weeraray halkaasi dhammaantood lagu laayay, waxaana lagu sheegay toban qofood iyadoo dadka shacabka ah ee ku geeriyooday lagu sheegay in ka badan 25 ruux.

Dadka ku dhaawacmay ayaa la sheegayaa in ay gaarayaan ilaa 70 oo u badan caruur iyo dumar hooyooyin ah, balse weli tirakoob sax ah lama helin. Dadka dhaawacmay ayaa kamid ahaa weriyihii hore ee Idaacadda BBC-da la’aanteeda Afka Soomaaliga Maxamed Ibraahim Macallimow.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay war ay hore u shaacisay hay’aydda NISA oo tilmaamayay in la qabtay hogaamiyihii weerarkan soo abaabulay.

Hay’adda NISA ayaa mar hore sheegtay inay qabteen ninkii hoggaaminayay weerarkii lagu qaaday maqaayadda iyo hotel-ka ku yaalla Xeebta Liido. .

Hay’adda nabadsugida qaranka ayaa VOA u sheegtay in la dilay inta badan maleeshiyadi weerarka geysatay, dhammaana la soo bad-baadiyay dadkii ku jiray maqaayadda weerarka lagu qaaday.

Ninka la qabtay ayaa wararku sheegayaa inuu yahay nin “muhiim” ah, oo loo baadigoobayay weerar hore oo lagu qaaday hotelo ku yaalla magaalada Muqdisho.

qr2qr3qr8qr9qr4qr7

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment