4308 Views

FBI oo ku biirtay baaritaanka Diyaaraddii Daallo

FBI oo ku biirtay baaritaanka Diyaaraddii Daallo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 06 February, 2016: Qayb yar oo ka socda FBI oo Mareykanka ka timid ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb qaataan baaritaanada lagu haayo diyaaraddii Daallo Airline, taasoo maalinimadii Talaadadii deg deg ugu soo laabatay garoonka Muqdisho, kadib markii wax loo maleynayo inay qarax yihiin uu gudaha diyaarada ka dhacay, xilli ay ku jirtay hawada sare, kuna sii jeeday Jabuuti.

Saraakiisha Hey’adda Saadaasha Hawada ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in khubarada ka socda Mareykanka ay u yimaadeen in la ogaado waxa dhabta ah ee uu ahaa shilka ka dhacay diyaaradda Daallo gudaheeda.

Agaasimaha Hey’adda Saadaasha Hawada C/wahaab Sheekh Cumar ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka dalbatay Mareykanka inay ka saacido baaritaanka diyaaradda, si runta loo ogaado.

“Waxaan dooneynaa in baaritaan dhab ah in la sameeyo, si loo qanciyo shacabka, isla markaana ay soo baxdo natiijo sax ah”ayuu yiri Agaasimaha Hey’adda Saadaasha Hawada oo xusay in FBI lagu casuumay baaritaanada socda.

Sidoo kale baaritaanada ayaa waxaa qeyb ka ah Saraakiil Soomaali ah oo lagu soo tababaray dalka Britain iyo Saraakiil ka socda dalka Gariiga.

Duuliyihii Diyaaradda Daallo ayaa sheegay in waxa diyaarada ka dhex dhacay ay yihiin qarax, halka Saraakiil Mareykanka ay qabaan in waxa gudaha Diyaarada ka dhacay ay yihiin qarax, isla markaana la helay maado waxyaabaha qarxa sameysa oo loo yaqaan TNT.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment