3717 Views

Dowlada Ingiriiska oo ku amartay dadkeeda in aysan u safrin Soomaaliya

Dowlada Ingiriiska oo ku amartay dadkeeda in aysan u safrin Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 11 February, 2016: Wasaarada Arrimaha Dibada ee Ingiriiska ayaa amar ku bixisay in  muwaadiniinteeda aysan u safrin dalka Soomaaliya oo ah dal ay dad badan oo haysta dhalashada Ingiriiska ay booqdaan toddobaad walba.

Digniin ay soo saartay Wasaarada Arrimaha DIbadda dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in aysan tegi Karin guud ahaan dalka Soomaliya muwaadiniitooda balse warbixintan ayaa lagu sheegay in arrimo muhiim ah haddii ay jiraan in la booqan karo magaalada Hargeysa iyo Berbera.

Wararka ayaa sheegaya in laga yaabo in warbixintan ay soo saartay Wasaarada Arrimaha Dibada kadib markii ay heshay aqbaar ku saabsan in laga yaabo in ururka Alshabaab uu weeraro qaado.

Warkaan ka soo baxday wasaarada arrimaha dibada Ingiriiska ayaa ku soo beegmaysa kadib markii 2dii bishan Febraayo uu dhicisoobay qorshe la doonayay in lagu qarxiyo diyaarad ka soo kacday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Inkastoo haatan ay soo saartay wasaarada Arrimaha dibada Ingiriiska warbixintan ayaa labo maalmood kahor waxa ay safiirka Ingiriika ee dalka Soomaaliya ay siisay abaalmarino saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment