3873 Views

SHACABKA OO WAL WAL IYO WALAAC KU MARA WADOOYINKA UGU MUHIIMSAN MUQDISHO

____________________________________________________________________________

.

Aqristow waxaa si xowli ah u kordheyso tirada dadka ku nool Magaalada Muqdisho, taasi ayaa waxay kordhisay JAAMKA dadka wata Gawaarida iyo Shacabka ku lugaynaya wada hareeraheeda, si ay u raadsadaan nolol maal meed kooda.

Hadaba, Shacabka wata GAADIIDKA ama ku LUGAYNAYA hareeraha wadooyinka ugu muhiimsan Muqdisho ayaa ka muujiyey wal wal iyo walaac badan marka ay ku jiraan how lahooda gaarka ah, iyagoo marwalba ku mara wadooyinkaas CABSI iyo Alla bari joogta ah.

Shacabkan waxay aad uga Cabanayaan sida CADAALAD darada ah ee ay u DHAQMAYAAN Shaqsiyaad sheeganaya MASUULIYIIN, BARAYFIT SIKURITI (private Securities), CIIDANKA SHIRKADAHA, CIDAMADA AMISOM iyo Kuwo kale oo aan LA AQOON CIDA ay yihiin, ayaa waxay wal wal iyo NAXDIN geliyaan shacabka waqti kasta ay yimaadaan ISGOYSYADA ama WADOOYINKA oo JAAM ah, waxayna RIDAAN XABADO si ay u furtaa Jidka ama waxay ka BOOTIYAAN GAWAARIDOODA Marsha Biyeedka, iyagoo si QALAD ah u mara dhinaca kale ee wadada, taasi oo ah ku XAD gudub sharciga wadooyinka iyo iyadoo sababta SHILAL Qatar ah (careless Driving).

Waxaa SHARAFTA iyo XURMADII laga QADAY CIIDANKA isku dhafka ah ee taagan wadooyinka, waxayna sababtay in ay CIIDANKA u qabtaan Shaqada KAMUUQA MESHA oo kaliya ama MAQANE JOOGE, waxaadna ka dareemaysaa wajiyadooda in ay yihiin dad GACMAHA laga XIRAY, waayo mar hadii aysan si sax ah u gudan Karin waajibkooda SHAQO.

Hadaba waxaa is WAYDIIN MUDAN hadii ay dad sheeganaya masuuliyiin ay QATAR gelinayaan amaanka shacabka, CIIDANKA jidka taagan ama ay JEBINAYAAN SHARCIGA, yaa laga sugayaa in ay ilaaliyaan Nidaamka iyo Kaladambaynta SHARCIGA.

Waxaa kale oo aad muhiim ah in ay shacabka Ogaadaan, yaa AWOOD u leh in ay wataan HUBKA lagu Argagax geliyo ama lagu Cabsiiyo  shacab gudanaya how lahooda maal meed ee maraya wadooyinka, yaasa xaqiijiyey in HUBKAASI uu ku jirro GACAN amaan ah oo la isku halayn karo!!!.

Waxaan indhahayga ku arkay nin ODAY ah oo KUFAY isago ka NAXAY xabad laga riday gaari JID FURANAYA, waxaa intaas sii dheer iyagoo AF LAGAADEEYA Shacabka wata gawaarida ama lugaynaya ee ku adan hortooda, iyagoo ay CARRO ka muuqato wajiyadooda, iyagoo intaas ugu sii dara HOON iyo Gawarida oo aad loo shelareeyo si Shacabka u ARGAGOXO.

Mar aan wax ka waydiiyey sababta uu u sii dayey GAARI laga bootiyey marsha biyeedka, Nin ka tirsan Ciidanka Amaanka, wuxuuna ninkaas  ka tirsan Ciidanka Amaanka igu yiri “waa ku warernay dadkan, qof amarkeena maqlaayo majiro, qof kasta wuxuu ku leeyahay waxaan ahay Masuul, waan ku daalnay ee hana waydiin Adeer”, taasina waa QUUS iyo Niyad jab, dhib wayn ku ah NABADGELYADA Shacabka oo aan la ogayn  Shaqsi ama Shaqsiyaad lagula XISAABTAMO.

War iyo Dhamaan, hadii aan si deg ah wax looga qaban Arimahan, waxaa la arki doonaa Shacab badan oo ku JAJABA ama u GEERIYOODA NAXDIN (heart attack) dhawaaqa Xabadaha loo ridayo sida Sharci darada ah, waxayna sababi doontaa in ay sii kororto FOWDADA iyo kala DAMBEYN LA’AAN sababta Amniga oo faraha ka baxa.

Ugu dambayn, waa in ay arintan si deg deg ag wax uga qabtaan Wasiirka Amniga, Taliyaha Booliska, Nabadsugida iyo Gudoomiyaha Gobolka, Xalka arintaana waa mid u baahan in lagu saleeyo sharciga iyo ilaalinta Xuquuqda Shacabka.

Somalidu waxay tiraahdaa “ Sac ninkii lahaa saynta uga taganyahay, siduu ku istaagaa adag”, waxayna shacabka sugayaan cida ay GUUSHA raacidoonto SHARCIGA iyo SHARCI DARADA oo ah labada uu ka dhaxeeyo Tartanka.

Qaranimo-online

Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment