4167 Views

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga ee Dowladi Nuur Cadde oo lagu dilay qarax.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga ee Dowladi Nuur Cadde oo lagu dilay qarax.
____________________________________________________________________________

Muqdisho,15 February, 2016: Muxiyaddiin Xasan Xaaji oo horay xilal kala duwan u soo qabtay ayaa mar an fogeeyn ku geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa, xilli uu marayay agagaarka Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, kuna dhow Hotelka Saxafi.

Muxiyaddiin Maxamed Xaaj Allaha u naxariistee, ayaa horay u soo noqday Wasiirkii Gaashaandhigga Xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Nuur Cadde.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulan C/qaadir Barnaamij oo ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa sheegay in Muxiyaddiin Maxamed Xaaji uu haatan ahaa Guddoomiyihii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in gaari yar oo kuwa raaxada oo uu watay qarax loogu xiray, kadibna uu qaraxaas dartiis u geeriyooday..

Qof kale oo Gaariga la saarnaa ayaa la sheegay inuu isna ku dhaawacmay, waxaana goor dambe gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska, kuwaasoo baaritaan ka wada goobti dhibka ka dhacay.

Qaraxyada lagu xiro gaadiidka ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo badanayay magaalada Muqdisho, waxaana horay loogu dilay dad kala duwan oo isugu jiray, saraakiil, xildhibaano, Wariyeyaal iyo dad kale oo shacbi ah

wasircade-2

wasircade-1

wasircade-3

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment