4317 Views

Suuqa Degmada Wadajir Oo Uu Xalay Dab Qabsaday.

Suuqa Degmada Wadajir Oo Uu Xalay Dab Qabsaday.
____________________________________________________________________________

Muqdisho,16 February, 2016: Maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka ku nool magaalada Muqdisho oo wada jira, ayaa xalay ku guulaystay daminta dab xoogan oo xalay qabsaday suuqa weyn ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir Soomaaliya.Cabdi fataax Cumar Xalane oo ah Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo goordhaw ka hadlay arrintaas, ayaa sheegay in lagu guuleystay daminta dabkii maqribadii ka kacay Suuqa weyne ee degmada Wadajir, waxaana uu tilmaamay inuu goobta gaarey maamulka gobolka Banaadir. Wararkii ugu dambeeyey ee saaka laga helayo suuqa ayaa sheegaya in xaaladdu ay tahay mid degan, ayna ganacsatadu kuhowlanyihiin nadiifinta alaabti gubatay, in kastoo ay jirto khasaare xoogan oo soo gaarey ganacsatada ku dhaqan suuqaasi. Cid shacbiga ka mid ah oo dabkaas wax ku noqotay lama sheegin.

dab-8

Dab-1

dab-3

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment