3219 Views

Cabdi Waal oo laga soo qabtay Kenya lana keenay Muqdisho

Cabdi Waal oo laga soo qabtay Kenya lana keenay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho,7 March 2016: Warar mar dhow soo baxayay, ayaa sheegaya in Hey’addaha ammaanka dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen Cabdi Nuure Siyaad oo loo yaqaano Cabdi Waal, kaasoo laga soo qabtay dalka Kenya oo uu muddooyinkan ku sugnaa.

Wararka oo ah kuwo hordhac, ah ayaa sheegaya in diyaarad gaar ah oo siday maanta duhurkii ka soo dejisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, isagoo gacmaha ka katiinadeysan.

Inkastoo aanu jirin wax war ah oo ka soo baxay Laamaha ammaanka dowladda, hadana waxaa la sheegayaa in Cabdi Waal lagu soo qabtay warqad ruqsad ah oo lagu soo xirayo, kaasoo dowladda Soomaaliya u dirtay Kenya.

Cabdi Waal ayaa ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii hore, bartamihii sanadkii 2014 ayaa waxaa uu ka baxsaday Ciidamada Nabadsugida, kadib howl gal la doonayay in lagu soo qabto.

Xilligaas wixi dambeeyay waxaa uu u aaday degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, isagoo mar uu la hadlay Warbaahinta sheegay inuu ka bad baaday isku day la doonayay in lagu dilo oo dowladda Soomaaliya ay qaarijin rabtaytaas oo ah wax an hubnayn.

Hey’addaha ammaanka dowladda ayaa horay ugu eedeeyay inuu ku lug lahaa falal amni daro oo Muqdisho ka dhacay, inkastoo uu beeniyay eedeymahaas ku wajahnaa.

Cabdi Waal ayaa la sheegaa inuu xiriir dhow la leeyahay Culumaa’udiinka Ahlusuna ee ka taliya qeybo ka mid ah Galmudug.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment