5412 Views

Dalalka Bariga Africa oo sameystay Baasaboor cusub

Dalalka Bariga Africa oo sameystay Baasaboor cusub
____________________________________________________________________________

Muqdisho,11 March 2016: Urur la magac baxay Bulshada Bariga Africa ayaa sameystay baasaboor cusub oo mideynaya qaar ka mid ah dalalka dhaca Bariga Africa, hase yeeshee waxaanan ku jirin oo laga qadiyey dalka Soomaaliya.
Kulan ay todobaadki lasoo dhaafay ku yeesheen magaalada Arusha ee dalka Tanzania ayey xubnaha ururkan oo loo soo gaabiyo (EAC) xooga ku saareen laba qodob oo ay u arkeen inay muhiin ahaayeen, kuwaas oo kala ah in dalka South Sudan si buuxdo loo siiyo xubinnimada ururka iyo in ururka uu yeesho baasaboor mid ah gaarna u ah

Ururka EAC gaar ahaan dadka kasoo jeeda dalalka Kenya, Rwanda, Uganda, Burundi iyo Tanzania waxay isugu safrayeen dokumiintiyo socdaal oo qaas ah oo mideysan taasoo u ogolaaneysay in si xuduud la,aan ah ay dadka isaga kala gooshaan gobolladooda.

Baasaboorka cusub oo si rasmi ah ay dadka u qaadan doonaan bisha Janaayo ee sanadka 2017-ka ayaa si wanaagsan ugu ogolaan doona bulshada bariga Africa in ay is dhax galaan, sidoo kale waxa ay awoodi doonaan in ay aduunyada oo dhan ugu socdaali karaan marka ay doonaan.

Waxyaabaha u gaarka ah baasaboorkan ayaa ah inaanan la been abuuri karin oo waa mid elektaroonik ah, sidoo kale waxa uu wataa qalab u eg sida sim-card-ka telefoonada oo kale ah oo dhexda ugu jira baasaboorka kaasoo duubaya xuduudaha uu qofka wataa ka gudbo, taasina waxay u sahleysaa hey’adaha amaanka in ay su,aalo weydiiyaan hadi ay dadka wata laga shakiyo.

Ururka ayaa waxaa kale oo ay meel marin doonaan si dadka ay isu dhax galaan in qof walba oo qaata baasaboorkaasi uu si xor ah ugu noolaan karo dalka uu doono oo ka mid ah dalalka isku bhaystay ururkan.

Soomaaliya ayaanan ku jirin ururkaan, sababtoo ah waxa ay ka baqayaan dalalka ku mideysan kutladaan in hadii xiligaan ay kuso biirto Soomaaliya ay uga imaan karto qatar dhinaca amaanka ah in kastoo an la ogeeyn in Shacbiga uu ogolaan lahaa iyo in kale.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment