3021 Views

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo rajo ka muujiyay qab-soomidda maamul u samaynta Hiiraan Sh/dhexe

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo rajo ka muujiyay qab-soomidda maamul u samaynta Hiiraan Sh/dhexe
____________________________________________________________________________

Muqdisho,14 March 2016: Yuusuf Axmed Hagar ‘Dabaged’  Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ka hadlay arrimaha dhismaha Maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabelaha dhexe isagoo rajo kamuujiyay in dib loo bilaabo shirka dhismaha maamulka labada gobol.

Gudoomiayaha Gobolka Hiiraan oo wareysi siiyay idaacada VOA laanteda afka soomaaliga ayaa sheegay in dadka dega labada gobol ay diyaar u yihiin dhismaha maamulka cusub.

“Rajada aan hadda ka qabo dhismaha maamulka Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe waa mid wanaagsan maxaa yeelay waxa jira da’daalo aan ku xalineyno dadka ka soo jeeda inkastoo wax kasta oo la bilaabayo ay wataan culeys’’ayuu yiri guddoomiye Yuusuf Axmed Hagar.

Sidoo kale Yuusuf Dabaged waxa uu sheegay in dadka dega labada gobol ay yihiin kuwa u diyaar ah dhismaha maamulka loo sameynayo labada gobol maamulkan uu noqon doono mid ka dhisma fudud maamuladii horay loo sameeyay

Dhowaan ayuu sheegay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan in labada maamul ee Sh/dhexe iyo Hiiraan uu madaxweyne Xasan Shiikh u xil saaray in ay hormuud ka noqdaan dhismaha maamul u sameynta labada gobol.

Waxaa muuqanaysa haatan in wasaarada arrimaha gudaha ay bilowday dadaalo ay ku dooneyso in lagu xalliyo sababihii hakadka geliyay shirka oo uu si rasmi ah u furay horaantii bishii Janaayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ayaa waxa uu imaanaya xilli magaalada Baledweyne uu soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumada Soomaaliya C/maan Maxamed Xuseen iyo wafdi la socda.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment