3378 Views

Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Adis Ababa Kula Kulmaya Madax Ka Tirsan Ethiopia

Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Adis Ababa Kula Kulmaya Madax Ka Tirsan Ethiopia
____________________________________________________________________________

Muqdisho,18 March 2016: Dr C/weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Mamulka Puntland ayaa waxa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda ugu sarraysa dalkaasi isagoo kala hadli doona guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan kooxaha argagixisada Al Shabaab oo ku sii xoogaysanaya geeska Afrika.

M/weeynaha Dawlad Goboleedka Puntland ayaa intaasi kadib waxa uu u soo gudbi doona Puntland maadaama ay maalmihii ugu dambeeyey ay dawladdiisu ku jirtey dagaal adag oo lagaga sifaynayo Puntland kooxaha Burcad diimeedka ah ee duullaanka kusoo qaaday  qaybo kamid ah deegaan xeebeedka Puntland.

Dr. Gas ayaa sheegay in Puntland ay isaga filantahay guluf walba oo ka dhan ah Puntland oo ay soo qaadaan kooxaha argagixisada ah iyo cid walba oo isku dayda inay  khalkhal ka abuurto Puntland.

Dr Gaas ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada qalaba sida ee Maamulka Puntland ay xaq u leeyihiin in ay helaan taakulada ay helaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa oo Amisom balse aanay jirin wax baahi ah oo Puntland u qabto in ciidamo shisheeye la keeno.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment